Kadib, markii ay Dagaalamayaasha Daalibaan si buuxda ula wareegeen Awoodda Afganistan waxaa haatan socda qorshe lagu dhisayo Dowlad cusub.
Hadal ka soo baxay Daalibaan ayaa lagu sheegay in Shir looga tashanayo Xulashada Ikhtiyaaraadka (Options) ee Nidaamka Dowladda Cusub looga artinsanayo Shir Khaas ah oo ka furmay caasimada dalka Qatar ee Doha.
Sarkaa Sare ool ka tirsan Daalibaan oo maanta la hadlay Warbaahinta TOLO News ayaa sheegay in Wada-xaajoodka Dowladda Cusub uu ka socdo caasimada dalka Qatar ee Doha, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan u soo gudbin doonaan Faahfaahinta arrintaasi.
Sarkaalka waxa uu tilmaamay in laga xaajoonayo Magaca iyo qaabka Xukuumadda cusub ee Mustaqbalka, iyadoo Xiriiro lala leeyahay Jilayaasha Caalamiga iyo Ciiddamada Siyaasadda ee gudaha Afganistan ku sugan.