Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daalibaan oo Amar Culus soo rogtay, una digtay Mareykanka

Afhayeenka Ururka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Kabul ayaa sheegay inay xayiran waddada tagta Garoonka Diyaaradaha ee Kabul, isla markaana ay dadka shisheeyaha oo keliya loo oggolaan doono inay maraan.

Shirka Jaraa’id ee Zabihullaahi Mujaahid waxaa si toos ah u tebinayey Telefishinada ku xiran Dayax-gacmeedka (Satellite TV Channels), wuxuuna Fariin u diray dadka Turjumaanka u ah Safaaradaha, ciiddamada iyo Dowladaha Shisheeyaha.

Waxa uu xusay inay Daalibaan damaanad qaadi doonaan Ammaanka dadkii la shaqeeyey Ciiddankii Isbahaysiga Maraykanka ee ku sugnaa Afganistan.

Afhayeenka Daalibaan waxa uu tilmaamay in waxa maanta ka socda Garoonka Kabul tahay arrin xanuun badan.

“Waa inaysan Maraykanka ku boorinin dadka Reer Afganistan inay dalkooda hooyo ka dhoofaan” ayuu yiri Zabihullaahi Mujaahid.

Dhinaca kale, Afhayeenka Daalibaan waxa uu ugu baaqay Shaqaalaha Caafimaadka, kuwa Tacliinta iyo Ciiddanka Taraafikada inay shaqooyinkooda dib ugu soo laabtaan.

Exit mobile version