WARARKA SOOMAALI

CXD oo la shaaciyay in saaka ay dileen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab

By xuseen waashitoon

May 02, 2023

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorshaysan oo khasaaro dhaliyay ka fuliyay aroornimadii hore ee saaka deegaanka Cali -qaboobe oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay 60 dagaalame oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cali –qaboobe, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed kulmiye.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo ka war heleen gaari Al-Shabaab u siday hub iyo rag hubeysan, isla markaana ay kahortageen ciidanka weeraro qaraxyo ah oo Shaabaabka damacsanaayeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa duleedka degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug.

Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay dhul ballaaran ku qabsadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka.