WARARKA SOOMAALI

Coddeynta Doorashada Guddoomiye ku-xigeenada GSH 1-aad iyo 2-aad oo socota

By xuseen waashitoon

April 28, 2022

Waxaa xiligii afurka ka dib mar kale magaalada Muqdisho ka bilaabatay codeynta wareegii ugu dambeeyey ee doorashada Gudoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Golaha shacabka.

Xildhibaanada ayaa mar kaliya u codeynaya labada gudoomiye ku xigeen, waxaana xildhibaan walba la siinayaa labo warqadood oo uu ugu kala codeynayo labada kuxigeen isagoo ku ridaya sanaadiiq kala gooni ah, iyadoo labada warqadood ay yihiin kuwo kala midab ah ah si loo kala garto.

Doorashada Gudoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa u soo baxay wareega ugu dambeeyalabada musharax ee kala ah.

Maxamed Cali Cumar (Caanonuug) Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar)

Halka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ay ku tartamayaan labada musharax ee kala ah

Mahad cabdalla Cawad iyo C/llaahi Cumar Abshirow

Waxaa musharaxiinta ay ku kala bixi doonaan cod hal dheeri ah sida uu sheegay gudoonka golaha shacabka.