WARARKA SOOMAALI

Ciidankii ugu horreyay ee lagu soo tababaray Eritrea oo Maanta soo gaaray Muqdisho

By xuseen waashitoon

December 21, 2022

War hada soo dhacay ayaa waxaa uu sheegayaa in Goor dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay soo kasoo degtay Diyaaraddii ugu horreysay oo sida ciidankii Eritrea lagu soo tababaray.

Mas’uuliyiin farabadan iyo Saraakiil ciidan ayaa ku sugan Garoonka oo soo dhaweeyay Askarta lagu soo tababaray dalka Eritrea, waxaana ciidamada ay salaan sharaf ka qaateen saraakiisha soo dhaweysay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in akarta maanta soo dagatay ay gaarayaan ilaa 400 askari, waxeyna hordhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamadda maqan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Mareykanka ka sheegay in dhamaan ciidamadda ku maqan Eritrea ay dalka dib ugu soo laaban doonaan ugu dambeyn bisha January ee sanadka cusub ee 2023.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaatay talaabo adag oo ah dhismaha ciidamada xoogga dalka, taas oo suuragalisay in 5,000 Askari oo ah ciidanka Soomaalida qabana tababaro sare ay maanta diyaar u yihiin, qeyb kanoqoshada Xoreynta dalka.