WARARKA SOOMAALI

Ciidanka xoogga oo Maanta Al-shabaab kala wareegay degaanno cusub

By xuseen waashitoon

April 18, 2023

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa mar kale Maanta dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo ay Shabaabka ay ku lahaayeen saldhigyo.

Deegaanada laga qabsaday Shabaabka ayaa waxaa kamid ah Xarartiir, Garasyaani, Baarey, Baladul Amiin iyo kuwo kale oo kamid ah Gobolka Hiiraan, waxaana howlgalka hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolkaas Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil kale.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay burburiyeen saldhigyo iyo fariisimo ay lahaayeen Shabaabka, isla markaana ay halkaas ay haatan ku sugan yihiin ciidamada xoogga iyo kuwa dib u xoreynta.

Howlgalladan ayaa galay todobaadkii labaad oo xiriir ah, waxaana hoggaaminayo guddoomiye Cali Jayte Cismaan oo kaashanaya saraakiishw guutada 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Guud ahaan dalka waxaa ka socdo diyaar garowga jawiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, iyada deegaanada qaarna uu si hordhac ah uga billowday, kaasi oo looga xoreynayo goobaha ay kooxda ka joogaan Soomaaliya.