WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay Saraakiil ka tirsan Al-shahaab

By xuseen waashitoon

December 10, 2022

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada deegaanka ee macwiisleyda ayaa howlgal qorsheysan ku dilay Saraakiil iyo dagaalyahano la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Dhabaq-libeey oo hoostaga degmada Aadan Yabaal oo dhawaan laga saaray Al-shabaab, waxaana howlgalkaas ka hadlay Taliyaha ciidamada xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wuxuu sheegay Taliye Odawaa Yuusuf oo la hadlay warbaahinta dowladda in howlgalkaas lagu dilay 13-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil, waxaana kamid ahaa Nin magacaabiisa lagu soo koobay Ina Geed-seexday.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada deegaanka ee macwiisleyda ay la wareegeen degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle, kadib markii ay Shabaabka isaga baxeen.

Ciidamada xoogga ayaa sii wada howlgalada ka dhanka ah Shabaabka oo ay wadaan deegaano ay Gobolka Shabeellaha Dhexe kaga sugan yihiin.