WARARKA SOOMAALI

Ciidanka RSF oo Tacadiyo ba’an ka geystay Suudaan & xaalada taagan

By xuseen waashitoon

May 17, 2023

Ciidanka Gurmadka Degdega ee RSF ayaa lagu eedeeyey inay geysteen falal kufsi ah, sida lagu sheegay Warbixin ay soo saartay Hay’ad Maxali ah oo ka dhisan dalka Suudaan.

Hay’adda lagu magacaabo Xaadiriin ayaa xaqiijisay inay diiwaan geliyeen ugu yaraan 10 Kiis oo ay ciidanka RSF u geysteen, kana dhan ah dadka rayidka ah.

Madaxa Hay’addaasi Nazim Siraaj ayaa waxa uu xusay inay baarayaan kiisaska Kufsiga, iyadoo ay 3 Dhibanayaal ah sheegeen inay kufsadeen Askar ka tirsan kuwa RSF. Waxa uu intaasi ku daray inay Dhakhaatiirta soo xaqiijiyeen Dhibanayaasha la kufsaday, kuwaasi oo Booliska diiwaan geliyeen Tacadiyada loo geystay.

Dhanka kale, Kooxda qareenada Degdega ee dalka Sudan waxay Axadii la soo dhaafay sheegeen in Koox hubeysan oo ku sugan goobaha ay ciidanka RSF maamulaan ay galeen kufsi hubeysan oo ka dhan ah 2 Haween oo ku sugnaa Qeybta Jiifka Haweenka ee Jaamacadda Al Ahfad ee magaallada Umdurman (The female dorms of Al Ahfad University in Omdurman).

Dhanka kale, Danjiraha Maraykanka u jooga dalka Sudan,  John Godfrey waxa uu ku eedeeyey Kooxaha Hubeysan ee dalka Sudan inay geysteen Kufsi Hubeysan.