WARARKA SOOMAALI

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay Rag hubeysan oo Maleeshiyaad ah

By xuseen waashitoon

November 06, 2023

Ciidamada Daraawiishta Booliska Soomaaliya iyo kuwa nabad sugida Qaranka oo howlgal amni xaqiijin ah ka wada deegaanno hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo dhawaan dagaal beeleedyo ay ka dhaceen.

Deegaannadaas ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay waxaa ka taagnaa dagaal beeleedyo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Ciidamada darawaashita Booliska iyo kuwa hay’adda NISA ayaa ayaa ku guuleystay in gacanta lagu dhigo tiro maleeshiyo beeleed ah oo dagaal ku dhexmaray deegaanno hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, ciidamada Daraawiishta  iyo kuwa NISA ayaa si wadajir ah howlgal xasillin ah uga sameeyay deegaannada kala ah Xaaji Cali, Caddow-uul, Geel Gub, Ceel Muluq, Ceel xaashi iyo deegaanno kale oo dhawaan lagu dagaallamay qaarkoodna la gubay oo dab la qabad-siiyay.

Deegaanka Caddow-uul iyo deegaannada kale ee lagu dagaallamay hadda waxaa ku sugan ciidamada daraawiishta, kuwaas oo shacabka ku dhaqan deegaannadaas ay si weyn u soo dhoweeyeen ciidanka qaranka oo sugaya amnigooda, diyaarna u ah in ay ka qabtaan cadowga ummadda iyo kuwa ugu soo dhex dhuumanaya si ay u qal qal-geliyaan amniga iyo horumarka ay haystaan.