WARARKA SOOMAALI

Ciidanka macwiisleyda oo Al-shabaab kala wareegay degaan ka tirsan Gobolka…

By xuseen waashitoon

December 07, 2022

Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda loo yaqaan ayaa saaka la wareegay gacanta ku heynta degaanka Buurweyn oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku sugnaa dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Qabashada deegaanka Buurweyn ayaa timid, ka gadaal markii ciidanka macwiisleyda ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen, iyadoona halkaas uu ka dhacay dagaal xooggan oo la isku adeegsaday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in gudaha Buurweyn lagu arkayo ciidanka macwiisleyda oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana ay isku sii fidiyeen xaafaddo ka tirsan degmadaa  oo laga saaray Al-shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan abaabulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ka waday Gudoomiyihii hore ee degmadaas Feysal Haajir Aadan, waxaana wararka la helay ay sheegayaan inay jiraan khasaaro ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Buurweyn.