Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Liyuu Boolis oo lagu eedeeyay in ay dad Ka Afduubteen G/Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa ku eedeeyay ciidamada boliiska dowlad deegaaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis in ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah ee degan gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay Cali Jeyte Cusmaan in ciidamada Liyuu Boolis ay dad shacab ah oo aan waxba galabsan ka Af-duubteen deegaanada Xudeey iyo Wagle,islamarkaana ay sii kordheyso dhibatada ay geysanayaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraaan Cali Jeyte Cusmaan ayaa sheegay in aysan Indha ka laaba doonin islamarkaana ay jawaab cad ka bixi doonaan maamulka Gobolka Hiiraan.

Xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada liyuu Boolis iyo dadka degaannadaas oo sheegay inay dhibaatooyin ku qabaan.

Exit mobile version