Ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in ay heleen keyd shidaal oo garaaya 200,000 oo liitar kaas oo lagu aasay duleedka magaalada Mekelle ee xarunta Tigreega.
Haamaha keydka oo dhulka lagu aasay ayaa ciidanka Itoobiya sheegeen inay la haayeen kooxda TPLF.
Captain Yohannes Matewos, oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in shidaalka la helay uu garaayo 13 haan kuwaas oo uu sheegay inay horseeday xog dadka deegaanka ay ciidanka siiyeen.
Haamaha ayuu sheegay in laga buuxiyay shidaal ay TPLF ka qaadatay xeryaha ciidanka iyo mid ay xadeen.
Ciidanka dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwii Tigree-ga ayaa waxaa dhexmaray dagaalo xoogan oo geystay khasaaro lixaad leh oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, waxaana ku barakacay kumanaan dad shacab ah.