WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo Maanta qarxiyey Qaraxyo lagu waday Gaari oo la qabtay

By xuseen waashitoon

April 09, 2022

Qaraxyadii todobaadkii hore Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan qeybta 21-aad iyo kuwa Galmudug ku qabteen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu qarxiyey duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Ciidamada qeybta 21-aad oo todobaadkii hore duleedka Guriceel ku qabtay gaari siday qaraxyadaan iyo ragii waday ayaa maanta goob fagaare ah ku qarxiyey, sida lagu arkaayay Sawirro laga soo qaaday oo baahisay Warbaahinta dowladda.

Howlgal uu hoggaaminayey Taliyaha ururka 72-aad, guutada 15-aad ee qeybta 21-aad, Gashaanle Axmad Daahir Cabdulle ayaa lagu fashiliyey qaraxyada, waxaana Taliyaha uu sheegay in qaraxyadaan la doonayey in lagu dhibaateeyo shacabka Gobolka.

Saraakiisha Ciidamada ayaa intaas kusii daray in raggii lala qabtay qaraxyada ay ku xiran yihiin xabsi dhexe ee degmada Guriceel, waxaana lagu wadaa in Maxkamad lasoo taago, markii lasoo gabagabeeyo baaritaanada ay ku wadaan laamaha amniga.