WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo la wareegay degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

By xuseen waashitoon

May 05, 2023

Taliyaha Ciidanka lugta ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka hadlay howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen deegaano dhaca Galbeedka degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Taliye Biixi oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa u sheegay in ciidamada dowladda ay dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhaca Galbeedka Xarardheere, isla markaana haatan ay ku sugan yihiin ciidamada iskaashanaya.

Sidoo kale Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada ay dhowr jiho ka weerareen deegaanada, uuna ka dhashay howlgalka khasaaro dhimasho ah oo sida uu xusay gaarsiiyeen shabaabkii halkaas ku sugnaa.

Taliyaha ayaa tilmaamay in howlgalka lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale Deegaanka Xawaali meel u jirta 35KM ayey Ciidanku weerareen iyagoo gacanta ku dhigay Baabuur lagu soo ururin jiray  Xoollaha laga qaado dadka deegaanka.

Gobolka Mudug ayaa kamid ah gobollada ay haatan ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay deegaano dhowr ah ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka uga qabsadeen Al-Shabaab.