WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo gantaalo ku riday diyaarad ay leedahay Kenya

By Xuseen Post

December 21, 2020

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa lagu soo warramayaa in ay dhowr gantaal ku tureen Diyaarad ay leeyihiin Millateriga dalka Kenya.

Warar la helayo ayaa sheegaya in diyaarada markii hore hawada Soomaaliya ay kusoo gashay si qaldan, isla markaana Ciidamada ay arkeen, kadibna ay ku rideen gantaalo, wallow diyaarada aysan waxba gaarin.

Qaar kamid dadkii arkay diyaaradda ayaa tilmaamay inay durbo markii lagu riday gantaalada ay dib uga laabatay hawada degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana dadka ay dareemeen cabsi.

Dowladda ayaa gelinkii dambe ee shalay Gedo gaar ahaan Doolow ku daabushay Ciidamo badan oo qaarkood laga qaaday Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Doolow lagu geeyay diyaarado gaar ah.

Xiisad u dhexeeysa dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka taagan xuduudka laga dal, iyadoona dowladda ku eedeysay Kenya inay jabhad hubeysan kusoo daabushay xuduudka gaaar ahaan meel u dhow degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.