WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab kala wareevay degaan ay muddo ku sugnaayeen

By xuseen waashitoon

November 08, 2022

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la wareegay deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud oo muddo dheer fariisin u aheyd kooxda Al-shabaab.

Ciidamada la wareegay degaankaasi ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday deegaanka Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday muddo kooban.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Raage iyo Saraakiil Kale ayaa horkacaya ciidamada galabta la wareegay degaanka Wabxo.

Xoogagii Al-shabaab ee ku sugnaa degaankaas ayaa ka baxay ka dib iska caabin aan sidaa u weyneyn oo ay kala hortageen ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya

Milatariga Somalia oo garab ka helay dadka deegaanka ayaa barqanimadii maanta la wareegay deegaanka Warxolo oo wax ka yar 17-km dhanka waqooyi kaga beegan deegaanka Wabxo.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada dowladda Federaalka ay ka wadaan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ee Al-shabaab looga saarayo degaanada ay mudada dheer a talinayeen