Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab Jeb xoog leh ku gaarsiiyay Hiiraan

Ciidanka xoogga Dalka Soomaliyeed, qeybta 27aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Ceel-bacad oo hoos tagta degmada Buulo-burte waxa ay ku dileen 25 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal, Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Al-shabaab looga furtay dagaalkaasi hub fara badan iyo agab millateri.

Taliyaha ayaa xusay qasaaraha argagixisada la gaarsiiyay inuu intaa ka badan yahay balse uu socdo tirakoob iyo xog ururin, islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan.

Dadka deegaanka Ceel-bacad ee hoostega degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay soo sheegayaan inay weli maqlayaan dhawaqa rasaas xoogan oo Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ay is dhaafsanayaan.

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona qabsaday deegaano ay ku sugnaayeen Shabaabka, sidoo kalena uu howlgalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Exit mobile version