WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo Al-shabaab degaano cusub oo ka tirsan Gobolka…

By xuseen waashitoon

November 09, 2021

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Howlgallada ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada dowladda ay kula wareegeen degaano ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay Gobolka Gedo ayaa sheegay inay howlgalka inta uu socday ay si nabad ah kula wareegeen degaanka Tuulo Barwaaqo iyo degaano kale, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen saraakiisha inay weli howlgallada sii wadayaan, ayna doonayaan inay la wareegaan degaannada kale oo ay ku sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa Ciidanka dowladda waxaa ay howlgallo ka wadeen degmada Garbahaareey iyo degaano hoostaga, halkaas oo lagu qabanayo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.