Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo faah faahin ka bixisay howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ciidankooda iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga fuliyeen Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ciidamada xoogga iyo kuwa ATMIS ay fuliyeen ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cali Fooldheere oo hoostaga degmada Mahadaay oo sanado badan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, oo ay ku lahaayeen saldhigyo ay kasoo abaabulan qaraxyada.
ATMIS ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegay in howlgalka Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere, ayna khasaaro ku gaarsiiyeen xubnaha Al-Shabaab, kadib markii weeraro saf-ballaaran oo isugu jiray duqeyn iyo dagaalo toos ah lagu qaaday.
Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding ayaa yiri “Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta loo adeegsado walxaha qarxa.”
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee weerarka ku guuleystay.
Sida lagu sheegay bayaanka ATMIS, Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa hadda gacanta ku haya fariisimihii lala wareegay, waxaana ay ka sifeynayeen Al-Shabaab kooban oo ku haray deegaanno ku yaalla waqooyiga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabeelle.