WARARKA SOOMAALI

Ciidanka DANAB oo howlgal lagu dilay Saraakiil iyo xubno Al-shabaab ah fuliyey

By xuseen waashitoon

January 18, 2022

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee Xoogga Dalka  ayaa Howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanada kala ah Mubaarak, Darasalaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Hawlgalka intii u socday lagu dilay 13 xubnood oo isugu jiray Saraakiil & dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab, lana burburiyey fariisimo.

Howlgalka Ciidamada ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa lagu qabtay Gaadiid isugu jira Baabuur & Motooyin oo Al-shabaab ay adeegsan jireen, waxaana  lagu burburiyey Qaraxyo nabad diidka ay rabeen in ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Odawaa ayaa waxa uu mahadceliyey Ciidanka AMISOM iyo kuwa dawladda Mareykanka oo gacan wayn ka Gaystay hawlgalkan laga fuliyay deegaanada kala ah Mubaarak, Darasalaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu sheegay in  Howlgalkaani uu qeyb ka yahay Holwgalada dalka looga ciribtirayo dagaalamayaasha Al-shabaab, isla maraakana uu sii socon doono.