WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Amniga oo Muqdisho ku toogtay Nin hubeysan iyo faahfaahin la helay

By xuseen waashitoon

July 24, 2022

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay toogasho ku dilay Nin hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab, isla markaana isku dayey inuu weerar gaadmo ah ku qaado Ciidamo Boolis ah oo howlgal ka waday Magaalada Muqdisho.

Askari kamid ah Ciidanka Booliska dowladda ayaa toogtay Ninka hubeysan oo rabay inuu weeraro Ciidamada Booliska oo howlgal roondo ka waday xaafaddo ka tirsan degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska.

“Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska ciidamada Booliska.

Sidoo kale Taliska Booliska Gobolka ayaa intaas kusii daray Qoraalkooda inay Magaalada Muqdisho kasii wadani doonaan howlgalada ka dhan ah burcada hubeysan iyo ciyaal weerada ee dhibaatada ku haaya shacabka kunool Caasimadda Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii ugu danbeeyay kusoo batay falalka amni darro iyo dhac baahsan oo geysanayaan  burcad hubeysan, waxaana shacabka kunool degmooyinka qaarkood ee Gobolka Banaadir kasoo yeereysa qeylo-dhaan.