WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad hubeysan oo dhibaato waday

By xuseen waashitoon

January 14, 2023

Ciidanka Booliska saldhigga degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay labo nin oo hubeysan oo loo heysto inay dhac u geysteen dadka deggan xaafadaha kala duwan ee degmada Howlwadaag.

Ciidanka amniga ayaa labadaan Nin ku qabtay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana iyaga oo indhaha ka xiran la geeyay Saldhiga Booliska degmada Howlwadaag, iyagoona la sheegay inay dhibaato ku haayeen dad shacab ah.

Dhanka kale, ciidanka Saldhiga deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho ayaa xalay soo qabtay labo ka mid ah koox ka ganacsata waxyaabaha maanka-dooriya, kuwaas oo ku iibinayay xilliga la soo qabtay goob ay ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Maalmo kahor ayey markii sidaan oo kale ay ciidanka Booliska gacanta ugu soo dhigeen rag hubeysan oo dhac ka geysan jiray gudaha degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, Ciidanka amniga ayaa kordhiyey howlgalada lagu beegsanayo burcada hubeysan.