WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay Rag Burcad ah oo dadka dhac u geysanaye

By xuseen waashitoon

March 02, 2022

Ciidamada ammaanka degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay Gacanta ku soo dhigeen rag burcad ah oo ku shaqeysta inay ka socdaa Hay’adaha Gargaarka, kadibna lacago uga qaataan dadka, iyadoo adeegsanayey magaca dowladda.

Howlgalkaan lagu soo qabtay ragga ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii cabsho ka timid shacab ku dhaqan tuulooyinka qaar ee hoosyimaada degmada Wanla-weyn, waxaana sidaas sheegay Saraakiisha Ciidanka degmadaas.

Dhanka kale Ciidamada ammaanka Wanla-weyn ayaa waxaa ay soo qabteen nin fal dhaawac ah u geystay qof shacab ah oo safar ahaa, kadib markii uu isku dayay in uu dhoco Dadkaasi gaadidka ku safrayay  xabadna  uu ku rido.

Ciidanka ayaa xiray raggaas burcadka ahaa ee dhibaatada ku haayay dadka shacabka ee safarka ahaa, waxaana dhowr jeer deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose lagu qabtay burcad hubeysan oo dhac ka geysanayey halkaas.