WARARKA SOOMAALI

Ciidanaka Kumaandooska DANAB oo Al-shabaab kala wareegay degaano cusub

By xuseen waashitoon

December 12, 2021

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa sida la sheegay hawlgal qorshaysan kula wareegay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ku harsanaa gacanta Al-shabaab.

Hawlglkaas ayaa lagu qabtay degaannada Gambarey iyo Dawacaaley oo ka tirsan Shabeellada Hoose halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku lahaayeen Al-shabaab sida ay sheegeen Saraakiisha DANAB.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay saldhigyadaas ay lahaayeen, isla markaana oo Al-shabaab ka soo abaabul jireen weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah dowladda oo ay ka fulin jireen Muqdisho iyo meelo kale.

Ma jirto cid ka madax-bannaan Saraakiisha Danab oo xaqiijisay warkaan sidoo kale Al-shabaab weli kama hadlin.