Site icon HORUFADHI MEDIA |

Daawo:-Ciidamo maleeshiyaad taabacsan Maamulka Somaliland oo la wareegay Degmadda Boocame ee Gobalka Sool-Video+Warbixin

Wararka ka imaanaya Magaalada Boocame oo ka tirsan Gobalka Sool ayaa sheegaya in ay xalay halkaas gaadheen Maleeshiyo Beeleed taabacsan Maamulka Somaliland.kuwaas oo la wareegay gacan ku haynta Degamadda Balaadhan ee Boocame.

Maleeshiyaadka oo lagu qiyaasay ilaa 200 boqol oo askari isla markaana ku hubaysan Hubka fudud ayaa iska hor imaad aan dhiig ku daadan kula wareegay magaalada Boocame oo horay ay u joogeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland.

Ciidamo Maleeshiyaadka la wareegay Boocame ayaa u badan Dadka Deegaanka oo is hubeeyay kadibna SiyaasaddaMaamulka Somaliland taabacsan iyo waliba Ciidamadii ka amar qaadan jiray Maamulka Puntland ee Boocame ku sugnaa oo iyaguna kusoo biiray Maleeshiyaadkan Taabacsan Somaliland.

Boocame waa magaalada istaraatiiji ah oo dhacda Bariga Gobalka Sool waxaana in badan gacan ku haynteeda sheegan jiray iyo in ay ka arimiyaan magaalada Maamulka Puntland balse lama oga sababta hadda ay uga baxeen iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin Boocame isla markaana au ugu baneeyaan Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qabsashada Maamulka Somaliland ee Degmada Boocame ayaa kusoo beegmaysa xili xiisad culus ka taagan tahay qaybo kamid ah Gobalka Sool sida Tukaraq oo ay sidan oo kale iyadaan dhiig ku daadan ay uga baxeen Ciidamada Maamulka Puntland.waana magaalada Labaad ee Mudo laba bil ka yar laga qabsado Maamulka Puntland.

ilaa hada ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland oo ku saabsan Qabsashada Degmada Boocame ,sidoo kale Maamulka Somaliland ayaan isna wali ka hadal qabsashada ay ciidamadda Taabacsan tageen Degmada Boocame.

Lama oga halka uu xaalku ku danbeyn doono balse xiisadan ayaa ku soo beegmaysa xili ay Ciidamada labadan maamul isku hor fadhiyaan Tukaraq isla markaana ay Hanjabaad culus is dhaafsanayaan.

 

Exit mobile version