Laascaanood (HM)-Ciidamo ka yimid magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa Saaka Weerar Qorshaysan kusoo qaaday Degmada Xidhxidh ee Gobolka Sool Xiliga Saalada Subax .
Waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamadu ay Guri Dad shacab ah Degan yahay Dababka Saareen / Rasaas ku Fureen, Halkaas Dadkii Deganaa Guriga Waxaa Soo gaadhay Firidhka Rasasta ay Ridayeen Ciidanka Weerarka Qorshaysan soo qaaday.
Intaasi kadib waxaa arinta siwayn looga dareemay Gudaha magaalada , Waxayna Bulshada deegaanku iska difaaceen ciidamadii Weerarka soo qaaday, kuwaasi oo dib uga noqday magaalada Xidhxidh.
Sida la xaqiijiyey ma jiraan waxa khaasaare Nafeed ahoo ka Dhashay Weerarka, Marka laga reebo dhaawacyo Fudud oo soo gaadhay Dad Hurday Guriga Xabadaha Lagu Riday.
Ciidamada Weerarka ka soo qaaday Gaalkacyo ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidamada Madaxtooyada Puntland kuwaasoo raadinayey Nin asal ahaan Kasoo Jeeda Magaalada Gaalkacyo oo Lagu eedaynayo In Qeyb ka ahaa Dagaal hore uga dhacay Magaalada Gaalkacyo laguna dilay Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland , Kaasi oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Xidhxidh ee Gobolka Sool oo Qaraabo uu ku leeyahay.
Xigasho: Kalshaale.com