WARARKA SOOMAALI

Ciidamo & Gaadiid Dagaal oo lagu arkay Garoonka Garbahaarey iyo Guddiga Rooble oo..

By xuseen waashitoon

March 08, 2022

Saraakiisha Ciidamada AMISOM, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Maamulka degmada Garbahaarrey ayaa shir waxaa uu uga furmay Xerada Ciidamada AMISOM oo ku yaallo garoonka diyaaradaha Magaalada Garbahaarey.

Taliska AMISIM saraakiisha ugu sareyso ayaa xalay isku dayay inay Garbahaarey geeyan wefdiga Guddiga qiimeynta xaalada degaan doorasho ee Jubbaland oo shalay loo diiday inay Garoonka diyaaradaha ka dagaan.

Warar la helayo ayaa sgeegaya in isku dayo ilaa xalay socday guuldareystay, waxaana arrintaasi walaac ka muujiyay Saraakiisha Ciidanka ugu sareyso Ciidamada AMISOM ee joogo Garbohaarey,  kuwaas oo sheegay in aysan sameyn karin Maamulka Magalaada iyo shacabka wax aysan rabin.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa inuu dhaco banaanbax loga soo horjeedo Guddiga Qiimeynta kaas oo ay dhigayaan shacabka iyo Maamulka degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo

Xiisada wefdiga ayaa sacadihii u danbeyay laga daremayay Garbahaarrey, waxaana gudaha Garoonka lagu dhex arkay gadiidka dagaalka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamo badan oo Garoonka ku dhex sugan.