WARARKA SOOMAALI

Ciidamo cusub oo Soomaali ah oo tababar kale loogu xiray dalka Uganda

By xuseen waashitoon

May 20, 2023

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameestey tababar heerkiisa aad u sareeyo.

Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ururkaan sida gaarka u tababaran uu dhiig cusub ku biirin doono Ciidanka Xoogga Dalka oo bilihii ugu dambeeyey Khawaarijta cashar lama ilaawaan ah u dhigey koobaha dagaalka.

“Waxaan halkaan uga mahad celinaayaa Dowlada Uganda, Shacabkeeda iyo hogaankeeda taageerada hagar la’aaneed ee la daba taagan yihiin Shacabka iyo Dowlada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa wqxaa uu mahadceliyey Boqortooyada Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo uu sheegay in kaalin taariikhda geli doonta ka geysaneyso dib u dhiska CXDS tayo ahaan iyo tiro ahaan intaba.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidanka Boolis Milataaro ah tababar loogu soo xiray, kadibna laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu wareejiyay amniga caasimadda Muqdisho, waxaana ciidankaas mushaarkooda bixiya Imaaraadka Carabta.