WARARKA SOOMAALI

Ciidamo cusub oo la wareegay Amniga Degmooyin ka tirsan Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

April 10, 2023

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo dhawaan tababar kusoo qaatay dalka Uganda lana keenay caasimadda Muqdisho ayaa habeenimadii xalay aheyd la geeyay guud ahaan qaybta Galbeed ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ayaa xalay waxaa ay howlgalo ka bilaabeen gudaha degmooyinka Wadajir, Dharkeeynley, Dayniile, Kaxda iyo deegaanka Garasbaaley, iyagoona sugaayay amniga xaafadaha degmooyinkaasi.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ciidamada ay yihiin kuwo ay dowladda Federaalka ugu tala-gashay inay ku xasilliso amniga caasimadda Muqdisho, oo ay mararka qaarkood Al-Shabaab ay ka geystaan weeraro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada ay hoostegi doonaan talisyada Booliska degmooyinka ay ka howlgalayaan, waana ciidankii uu maalmo kahor Madaxweyne Xasan Sheekh ku booqday xerada Hiil-weyne oo ku taala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo degmada Balcad.

Ciidankaan ayaa bilihii lasoo dhaafay tababar ku qaadanayey dalka Uganda, Madaxweyne Xasan ayaa qaatay go’aanka ah in amaanka caasimadda lagu fiiriyo ciidamo Militeri ah, ciidankan oo afar kun ku dhow ayaa dhawaan tababar kusoo dalkaas.