Hargeysa (HM)-Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa xabsi kuyaal magaalada Hargaysa ku xiray mid kamid ah fanaaniintii ka qaybgalay xuskii sanad guurada 21aad ee aasaaskii dowladda Puntland.
Alfanaan Cabdirisaaq Ismaaciil Anshax oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa deegaamada Puntland kana qaybgalay xuskii dhismaha maamulka Puntland ayaa gaarey magaalada Hargaysa kahor inta aysan xidhin ciidamada maamulka Hargeysa.
Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi oo ay saaxiibo dhow yihiin Anshax ayaa xaqiijiyey xarigiisa, isagoona u aaneeyey inay xarigiisa ka dambeeyeen rag reer Somaliland ah ayna fan wadaag yihiin.
Magaalada Hargaysa ayaa waxaa gaarey qaar kamid ah fanaaniintii ka qaybgalay xuska 1da Agoosto oo reer Hargaysa ah haseyeeshee anshax oo ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya muddana kunoolaa Hargaysa ayaa xabsiga loo taxaabay.
Horufadhi News