WARARKA SOOMAALI

Muqdisho:-Ciidamadda amniga Soomaaliya oo qabtay nin soo xidhay dharka Dumarka-Sawiro

By Abdi rashid

July 12, 2020

Muqdisho (HM) – Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa xalay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ku qabtay nin looga shakiyey in uu ka tirsanyahay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Kadib howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen gudaha magaalada ayaa waxay ku soo qabteen ninkaas oo watay dharka dumarka, waxayna shaaciyeen saraakiisha ammaanka degmadaas ina baaritaano ay ku socdaan.

Illaa hadda ma cadda sababta ninkaas ku kaliftay in uu xidho dharka dumarka, balse saraakiisha ciidamada ammanka ee ku sugan Balcad ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in si weyn ay ugu tuhmayaan in uu ka tirsanyahay Al-Shabaab, hasa yeeshee ay dib kasoo shaacin doonaan markii ay soo gaba-gaboobaan baaritaanada ay ku wadaan.

Sawirro laga soo qaaday ayaa lagu baahiyey baraha ay bulshadu ku xadhiidho ayuu kasoo muuqday ninkaas oo lugaha iyo gacmaha ka katiinadeysan.

Degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa ka mid ah magaalooyinka ay inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadaan weerarrada tooska ah, waxaana jirta in laamaha ammaanku ay ku jiraan feejignaan mar walba ah, maadaama ay Al-Shabaab dhowr weerar ku qaaden bilihii lasoo dhaafay.

Horufadhi News