WARARKA SOOMAALI

Ciidamada Turkiga oo soo badbaadiyey dad farabadan oo tahriibeyaal ah

By xuseen waashitoon

August 01, 2022

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay koox tahriibayaal oo ku sugnaa badda Aegean ka dib markii ay si sharci darro ah ugu riixeen dhinaca Turkiga ciidamada Giriiga, Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay warkan.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda ee Turkiga ayaa 29-kii bishii July duubay muuqaalka ciidamada Giriiga oo laba doonyood oo sidday tahriibayaal ah ku riixaya xeebta Cesme ee gobolka Izmir,Iyadoo isla markiiba xaaladda lagu wargeliyay Taliska Ilaalada Xeebaha Turkiga, la na soo badbaadiyay Tahriibayaasha.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee doonaya inay u gudbaan Yurub si ay nolol cusub uga bilaabaan, gaar ahaan kuwa ka soo cararay dagaallada iyo cadaadiska dalalkooda.

Turkiga ayaa horey u martigeliyay 4 milyan oo qaxooti ah, waana in ka badan waddan kasta oo adduunka ah.