Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in gudaha Soomaaliya ay kusoo celinayaan boqolaal askari iyo tababarayaal si ay taageero u siiyaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta u jooga ee ATMIS.
Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ka digtay in ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya inay geystaan duqeymo lagu dhibaateenayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ugu baaqday Mareykanka inuu ka taxadiro dhibaatada dadka shacabka kasoo gaari karta duqeymaha, islamarkaana ay taxadir muujiyaan Ciidanka xiliga howlgallada.
Duqeymo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, mana jiraan inta badan magdhaw Mareykanka ka bixiyo shacabka ay dilaan.