Site icon HORUFADHI MEDIA |

Ciidamada ammaanka oo howlgalo la fuliyey Degmooyin ka tirsan Muqdisho

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgalo culus oo rag farabadan lagu soo qab-qabtay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir, kuwaasi oo qaarkood lagu sameeyay baaritaano kala duwan.

Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan laga sameeyay degmooyinka Yaaqshiid iyo Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho, waxaana howlgalka ujeedkiisa ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo ammaanka Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ragga lagu soo qabtay howlgalka ayaa qaarkood sii daayeen Ciidamada, kadib markii lagu waayay wax dembi ah, halka qaar kalena ay Ciidamada Booliska dowladda Federaalka horey u wateen, kuwaasi oo lagu tuhmayo falal amni darro oo dhacay.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen saraakiishu inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadaan, inta la xaqiijinayo amniga caasimadda magaalada Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha labada degmo ee howlgallada laga sameeyey oo qayb ka ahaa baaritaanada ayaa u mahadceliyey ciidamada ammaanka dowladda Federaalka. Maalmihii u dambeeyey ciidamada ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada…

Exit mobile version