Home » wararka You are browsing entries filed in “wararka”

Daawo:-Canshuurta laga qaado Shacabka Muqdisho oo aad loo Musuq maasuqo iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo-Video

Waxaa soo baxaya in la musuq maasuqo oo qasnada dowlada hoose ee Xamar aan laga ridin lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado shacabka ku dhaqan 17-da Degmo ee gobolka Banaadir. Lacagahan Canshuurta ah waxaa inta badan jeebka ku rita askarta soo aruurisa iyo raga ka sareeya ee u dira, lamana geeyo lacagahan qasnada Dowlada hoose […]

February 22nd, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Barnaamijka Dood wadaag shacabka Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo madaxa isku daray-Video

Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamijka DOOD Wadaag ee ka baxa Telefishinka Universal Kaasi oo Xalay lagu Casuumay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. C.raxmaan Cumar Cismaan ( Yariisow ). HALKAN KA DAAWO VIDEO Barmaamijka ayaa waxaa diirada lagu saaray Arimaha Garsoorka, Meqaamka Caasimada, Amniga, iyo Dhibaatooyin kala duwan ee ka jira Gobolka Banaadir iyo Talooyin kala […]

February 22nd, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Khudbaddii Ra’iisul Wasaare Khayre ee maalinta Afka Hooyo iyo wuxuu dhalinyaradda kula dar daarmay-Video+Warbixin

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa  ka qayb galay munaasabad lagu weynaynayey maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo oo sanad walba 21-ka Febraayo la qabto.Waxaana soo qaban qaabiyay maamulka Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee “AGA” iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo kaashanaya Abwaannada Soomaaliyeed. Waxaa ka soo qayb galay kulanka guddoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee […]

February 22nd, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Culimadda Deegaanada Puntland oo ka qayliyey Lacagta tirada badan ee laga qaado Dadka Xajinaya-Video

Culimada Puntland Gaar ahaana Boosaaso ayaa  Ka Qayliyey Lacagta Tirada Badan ee Laga Qaado Dadka Gudanaya Waajibaadka Xajka Waxaana ay Digniin u Direen Cidkasta oo ku Shuqul leh Arrintan. HALKAN KA DAAWO VIDEO Culimada ayaa Sheegay Hadii aan Dadka Loo Fududayn Gudashada Waajibaadka Xajka oo Lacagta Lagu Kordhiyo in Cadho alle Ka Dhalan Karto.

February 22nd, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Hooyadda dhashay Wiilashii Magaalada London lagu dilay oo ka hadashay arrimo Muruggo badan iyo sida wax u dhaceen-Video

Labo Dhalinyaro Soomaali ah ayaalagu dilay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo dilkooda loo adeegsaday Tooreey, Iyadoona Wiilasha la dilay da’dooda lagu qiyaasay 18-20 jir, waxaana Ciidamada oo gaaray goobta dilka ka dhacay ay wadaan baadhitaano ku saabsan dilkan. HALKAN KA DAAWO VIDEO Lama oga sababta ka dambeysay dilkan, waxaana jira wiil kale oo ku […]

February 22nd, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Maamulka Somaliland oo halis ku sugan haddii Itoobiya Burburto iyo Siyaasi wax badan daaha ka qaaday-Video

) Qaar ka mid ah Aqoonyahanada Somaliland aya aaminsan in Ethiopia oo Burburta aysan Dan ugu Jirin Somaliland Sida uu Maanta Sheegay Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cadami. HALKAN KA DAAWO VIDEO Dawlada Ethiopia ayaa Liiq-liiqanaysa Waxaana Dhowaan Is Casilay Raysalwasaarihii Ethiopia kaas oo ku Fashilmay Wax ka Qabadashada Banaanbaxyada Sii Baahaya.

February 21st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

DEG DEG:-Baarlamaanka Soomaaliya oo sharci daro ku tilmaamay Canshuur kordhintii Wasaaradda Maaliyadda-AKHRISO

Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamtay canshuurta cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda, taasoo dhalisay khilaaf keenay inuu hakado ganacsigii Suuqa Bakaaraha iyo dhaq dhaqaaqii Dekeda Muqdisho. Kulan Guddiyada Joogtada Golaha shacabka ay yeesheen ayaa waxaa uu u xil saaray Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga, kuwaasoo kulan […]

February 21st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Xildhibaan ka soo jeedda SSC kana mid ah Xubnaha guurtida Maamulka Somaliland oo codsi yaab leh soo jeediyey-Video+Warbixin

Xildhibaan Cabdiqaadir indho-indho oo ka mid ah Golaha Guurtida Maamulka Somaliland Kana Soo Jeeda Deegaanka SSC ayaa si Lama Filaan ah ugu Dhawaaqay in Muuse Biixi Looga Baahan Yahay inuu Kala Diro Gudiga Doorashooyinka Somaliland. HALKAN KA DAAWO VIDEO Xildhibaan Cabdiqaadir indho-indho ayaaa Sida Muuqata Doonayo in Golaha Wakiilada Somaliland La Kala Diro xili isaga […]

February 21st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Ciidamadda Maamulka Puntland oo sheegtay in ay dileen xubno sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab-Video

Ciidanka Amniga Maamulka Puntland (PSF) ayaa Howlgal gaar ah 20-kii bishan waxa ay ka fuliyeen Buuraleyda degaanada Dha-dhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow Puntland. Saraakiisha Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen intii Howlgalkan uu socday in Ciidanka ay dileen Saddex xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, tiro kale oo intaa ka badana […]

February 21st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Daawo:-Nabadoon Axmed Diiriye oo maanta aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho iyo Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qayb galay-Video

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Somalia iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay salaada janaasada marxuum Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho, taasoo ka dhacday masjidka Isbaheysiga Islaamka. HALKAN KA DAAWO VIDEO Waxaa sidoo kale ka qeyb galay janaasada Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow, Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo […]

February 21st, 2018 | Posted in wararka | Read More »

Recently Commented

  • Ceegaag: Asc. Baarlamaankii baa garsoorkii iyo maxkamadihii doorkoodii qaatay! Waa meel ay u dhammaatay, bal waxaa...
  • Ceegaag: Beyle ma tagi karo gobolkii uu ka yimi, dadkuu ka dhashay Hargaysaa canshuurta ka gurta markaas buu rabaa...
  • qorrog: Mashallah. Waa good nayuus. Anigu waxaan odhan lahaa Dhulbhanta iyo Habr jeclona hallaga iibiyo cimaaraadka....
  • Ceegaag: Asc. Horta khilaafku waa wax sunna ah oo mar la arkaba iman kara, lkn sidee loo xalliyaa oo yaa u gar...
  • Jamaal: Duff ku wax Cali ciise Hurdaaye