Madaxwaynayaasha maamulada Dalka iyo wefti ay Hogaaminayaan ayaa safar ugu amba baxay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay ujeedka safarkiisa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay kaga qayb geli doonaan shirka amniga Qaranka ,shirkaas oo ka furmi doona Magaalada Muqdisho ayna kasoo qayb geli doonan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamulada xubnaha ka ah Dowlada Feredaalka Soomaaliya.
Ugu danbeyn Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada dalka ayaa ka qayb gelid doono shirka amniga Qarnka Soomaaliya ,shirkaas oo furmi doonaa maalinimada berri ah hadii alle idmo, lana soo geba-gebayn doono labada maamlood ee fooda inagu soo haysa.