Site icon HORUFADHI MEDIA |

Cabdiweli Gaas oo dhaliil kulul u jeediyay Farmaajo, kadib markii uu…

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bixiyey wareysi cusub ayaa si adag uga hadlay xiisada gobolka Gdo, gaar ahaan dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Beledxaawo.

Gaas ayaa marka hore colaadaasi ku dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in si macno darro loo daadiyo dhiiga dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamayo. Cabdiweli Gaas oo hore Ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe inay ka heshiiyaan xiisada Gedo.

 “Waa nasiib darro in saacadaan colaad aan micno ku dhisneyn ay u dhintaan dad Soomaaliyeed, Madaxweyne farmaajo iyo Axmed Madoobe labaduba gobolka Gedo mas’uuliyad ayaa ka saaraan ee waa inay ka heshiiyaan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Si kastaba arrinta Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa noqotay xudunta khilaafka xoogan ee xilligan ka jira dalka, isla markaan waxa isku haaya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe.

Exit mobile version