WARARKA SOOMAALI

Cabdi Qaasim Salaad oo kulan la yeeshay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya

By xuseen waashitoon

December 08, 2021

Wasiirka Cadaaladda Dowladda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa hooygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Wasiirka iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana ay ka wada hadleen arrimo ku aaddan xaaladaha siyaasadeed ee dalku hadda marayo.

Wasiirka Caddaaladda Soomaaliya oo Qoraal soo saaray ayaa yiri “Sharaf ayey noo aheed inaan hoygiisa ku booqano aniga iyo wafdigeyga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Salaad Xassan. Madaxweynaha wuxuu nala wadaagey talooyin iyo tusaalooyin muhiim u ah qaran dhiska Soomaaliya, wuxuuna u soo duceeyey Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed inuu wakhtigaan adag Ilaahey ka gudbiyo”.

Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya dalka Masar, halkaasi oo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar uu soo dhaweyn diiran ugu sameeyay.