WARARKA SOOMAALI

C/raxmaan Cirro “Dhiiga Laascaanood ku daadanaya maahan wax la aqbali karo”

By xuseen waashitoon

March 04, 2023

Musharaxa xisbiga waddani ee Mucaaradka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Cirro ayaa ka hadlay dagaalka mudada ku dhow bil ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya ciidanka deegaanka ee SSC iyo ciidanka Somaliland.

Cirro oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in dhiiga Laascaanood ku daadanaya uusan aheyd maaha wax la aqbali karo, isagoona ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka khasaaraha badan dhaliyey ee halkaas ka dhacay.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland in dadkii mideysnaa ee Somaliland uu kala geeyay, isaga oo sidoo kale cambaareeyay duulaan uu sheegay inay Puntland kusoo qaaday Gobolka Sool, in kastoo Puntland aysan qeyb ka aheyn dagaalka Laascaanood oo ay kaliya dagaalkaas ku jiraan ciidanka deegaanka ee SSC.

Dagaalka Laascaanood ayaa wali sii socda, iyadoo labada dhinac ay dhegaha ka fureysteen baaqyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee lagu dalbanayo in xabada la joojiyo, murankana miiska wadahadalka lagu dhameeyo.

Boqolaal ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalada Laascaanood,  halka kumanaan qof kalena ay ka barakaceen magaalada oo inta badan ku burburtay madaafiic ay ciidanka Somaliland ku garaaceen dhismayaashii iyo guryihiin magaalada.