WARARKA SOOMAALI

Boris Johnson oo shaaciyay sababtay ay dowlada Farmaajo uga duwan tahay dowladihii hore +VIDEO

By Top News

May 14, 2017

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Boris Johnson, ayaa shaaca ka qaaday in Beesha Caalamka ay si rasmi ah u garab istaagi doono dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Boris Johnson, ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay isku raaceen in dowlada Somalia ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo waxbadan uga duwan tahay dowladihii hore ee soo maray Somalia.

Mar uu Mr Boris Johnson saacado ka hor Saxaafada kula hadlaayay magaalada London ayuu sheegay in Somalia ay u qorsheeyen dhaqaale gaar ah oo lagu kobcinaayo Dhaqaalaha, Horumarka ka socda Somalia iyo Ciidamada dagaalka kula jira Al-shabaab.

Boris Johnson, waxa uu tilmaamay in Britain ay garwaaqsatay in Somalia lala garab istaago dhammaan howlaha ay u baahan tahay, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay u diyaarinayaan Saraakiil gaar ah oo sara u qaada ciidamada Soomaaliya oo uu ku tilmaamay kuwo aan baqan balse u baahan in laga caawiyo waxyaabaha sahli kara inay uga hortagaan Al-shabaab.

Boris Johnson, waxa uu Saxaafada ka hor sheegay in ciidamada AMISOM ay ka hormarin doonaan kuwa Somalia, waxa uuna sababta ku sheegay in dowlada ay la tacaamulayaan ay tahay Somalia, balse aysan aheyn Midowga Africa.

HALKAN RIIX VIDEO