WARARKA SOOMAALI

Boqolaal qof oo ku dhintay Dhul-gariir xooggan oo ka dhacay Morocco

By xuseen waashitoon

September 09, 2023

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Morocco ayaa maanta sabti ah sheegtay inay 296 qof ku geeriyoodeen Dhul-gariir  abaarihii  11:12 daqiiqo ee fiidkii xalay ka dhacay Bartamaha dalkaasi.

Telefishinka Dowladda Morocco ayaa waxa uu ka soo xigtay Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in Dhul-gariirka ay ku dhinteen 296 qof, halka ay ugu yaraan 153 kalena ku dhaawacmeen.

Bayaanka ayaa waxaa lagu xusay in Tiro-koobkaasi yahay mid hordhac ah, lagana yaabo inay Tirada dhimashada sii korodho.

Dhul-gariirka oo Halbeegiisu ahaa 6.8 ilaa 7.0 ee Richter Scale waxa uu Fiidkii xalay ka dhacay magaallo xeebeedka Maraakish (مراكش) oo 320 KM dhanka Koonfurta kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Rabat. ( العاصمة الرباط).

Muuqaalo la baahiyey ayaa muujiyey Dhismooyin soo hoobanaya oo ku yaalla qeybo ka mid Xaafadaha Qadiimiga ee magaallada Maraakish iyo dad ku dhaawacmay Masjid ku soo dumay Bartamaha magaalladaasi.

Dhul-gariirka xalay ka dhacay magaalladda Maraakish ee dalka Morocco waxaa kaloo laga dareemay dhowr magaallo oo ay ka mid yihiin: Casablanca, Rabat iyo Fez.

Dadku waxay dareemeen Cabsi iyo Jahwareer, waxayna ka soo wada baxeen Dhismayaasha, iyagoo ka baqanayey suurtogalnimada inuu dhaco Dhul-gariir kale.