WARARKA SOOMAALI

Booliska oo Maanta soo Bandhigay Rag dhibaato ka waday Magaalada Muqdisho

By xuseen waashitoon

December 21, 2022

Ciidanka ammaanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo burcad ahaa, kuwaasi oo dhac u geysan dadka shacabka ah.

Ciidamada ayaa raggaan oo laba ah kusoo qabtay howlgal saaka ay ka sameeyeen xaafad ka tirsan degmada Yaaqshiid, kuna soo bandhigay saldhiga degmada, sida lagu sheegay War uu soo saaray Taliska ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in raggaan burcada ah  ee dhibaatada ku haayay shacabka loo gudbin doono Maxkamadda, si sharciga loo horgeeyo, wuxuuna Booliska u mahadceliyay dadka deegaanka ee soo gudbiyay xogta raggan.

Xalay ayey aheyd markii rag hubeysnaa oo qorsheynayey inay weeraro geystaan lagu qabtay degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan, kuwaas oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabooyinka ay qaaday iyo howlgallada socdo looga hortagao falalka ammaan darrida ee mararka qaar ka dhacay gudaha caasimada.