WARARKA SOOMAALI

Booliska oo ka hadlay Qaraxyo lagu xiray Gaari oo lagu fashiliyey Muqdisho

By xuseen waashitoon

November 19, 2022

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta fashiliyey qaraxyo miino oo lagu xiray gaari Sruf ah oo la dhigay kasoo horjeeda maqaayad ku taalla inta u dhexeeysa Isgoyska Boondheere iyo taalada daljirka-daahsoon ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo Qoraal soo saaray ayaa waxa  u uku sheegay in Al-shabaab ay qof shacab ah gaarigiisa ku xireen qarax miino ah, isla markaana ay doonayeen inay dhibaato ugu geystaan, balse la fashiliyey.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 19/11/2022 Abaara 9:30am  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo Miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay Fashiliyaan Dhagarta ay la damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba” ayuu Qoraalkiisa ku yiri Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Duudishe.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta, waxaana dadka shacab ah loo diidayay inay maraan wadada, balse dib loo furay wadadaasi.