WARARKA SOOMAALI

Yaa ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimo ee ka dhacday dalka Kazakhstan?

By xuseen waashitoon

November 21, 2022

 

Madaxweynaha xilka haya ee Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday Axadii, isagoo helay 81.31% codadkii la dhiibtay,

Guddoomiyaha guddiga doorashada dhexe ee dalka Mr Nurlan Abdirov ayaa hadal kooban jeediyey isagoo soo xiganaya xog horudhac ah.

“Kassym-Jomart Tokayev wuxuu helay 81.31% codadka, ama 6,456,392 cod,” ayuu tilmaamay.

Abdirov ayaa intaa ku daray in xogtan ay bixiyeen guddiyada doorashada dhulalka ee magaalooyinka Shymkent, Almaty iyo Astana.