WARARKA SOOMAALI

Booliska Kenya oo Burcad hubeysan ku laayay Magaalada Nairobi

By xuseen waashitoon

July 20, 2022

Booliska iyo dabley hubeysan ayaa waxaa la sheegay inuu dhowr Iska-horimaad ku dhex maray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, Waaxda Dembi-Baarista Booliska ayaa sheegtay in 7 dabley ah lagu dilay iska horimaadyadaasi dhacay.

Booliska ayaa tilmaamay in dhamaan dableyda la dilay ay da’dooda ka hooseysay 25 jir, iyadoo kan ugu yar uu ahaa 18 jir. Booliska waxay Hawlgalladaasi oo dhacay fiidkii xalay iyo waaberigii hore ee saaka ku soo heleen 2 Bistoolad, Laptop iyo hanti kale.

Booliska ayaa waaa sheegeen inay dableyda Maanta oo Arbaco ah weerareen Ganacsade ku sugnaa Xarunta Ganacsiga ee Alpha Center ee ku taalla wadada Mombasa Road ee magaaladda Nairobi.

Dableyda waxay afduubteen Ganacsadihii, kana dalbadeen Lacag Madax Furasho, iyadoo qaar ka mid ah Shaqaalaha Xarunta Alpha Center lagu xiray Suuliga ama Musqusha, iyagoo laga dalbaday lacago ay isku furtaan.

Madaxa Booiska magaalada NBI, James Mugera ayaa sheegay inay Ciidanka ka hortageen dhacaasi, iyadoo Booliska toogasho ku dileen 3-dii dableyda ee weerartay Xarunta Ganacsiga ee Alpha Center.