WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo War kulul kasoo saartay Duqeynta Somaliland ku wado Laascaanood

By Xuseen Post

February 14, 2023

Wakiilada Beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyay dagaalada ka sii socda ee magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka weli socda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin duqeynta loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka, taasoo sababtay waxyeello iyo barakac baahsan.

“Waa in si degdeg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyadu inay u hoggaansamaan xabbad joojinta, is xakameeyaan, oo ay galaan wada hadal wax dhisaya si loo helo waddo lagu gaaro xal nabadeed” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Ugu danbeyn Wakiilada Beesha caalamka ayaa mar kale ku celiyay baaqoodii ahaa in gargaar bani’aadanimo oo aan la hor istaagin si deg deg wax looga qabto baahiyaha dadka barakacay ee ay saameeyeen rabshadaha socda.

Dagaalo xooggan ayaa maalintii 9-aad oo xiriir ah weli kasii socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, madaafiic iyo hub culus ayaa kusoo dhacaya gudaha magaaladaas, khasaaro lixaad leh ayaana jira dhimasho iyo dhaawac.