Beesha Caalamka ayaa War kasoo saartay Shirkii Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee Magaalada Dhuusamareeb, kaasi natiijo la’aan kusoo dhammaaday.
War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in Shirkii Madaxda horumar laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, hayeeshee aan heshiis buuxa looga gaarin qodobadii khilaafka uu ka taagnaa, si loo qabto doorashada la isla ogol yahay.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay aaminsantahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah, iyagoona soo dhaweeyay dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqday inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.
Waxaa kaloo Beesha Caalamka sheegtay inay dhageysatay hadal-jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee Golaha Shacabka 6-dii Febraayo, iyagoona hoostega xariiqay inuu doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka.
Saaxiibada beesha caalamka ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay Samareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.
“Waxaan si xiiso leh u dhageysanay hadal-jeedintii Madaxweynaha ee Golaha Shacabka 6dii Febraayo, waxaana si gaar hoosta uga xariiqnay sida uu u doonayo inuu sii wado wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, wadahadalladaas oo ujeedadoodu tahay in la isla garto wadiiqo lagu heshiiyey oo loo maro qabashada doorashooyinka. Waxaan si xoog leh u taageersannahay wadahadal dheeri ah oo ku qabsooma jawi deggan oo wax lagu dhisayo. Waxaan mar kale hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo aan ahayn kuwa la isku raacsanyahay, oo ay ku jiraan geeddi-socod barbar-socod ah ama doorashooyin dhinac keliya ah oo aan loo dhammayn, ama falal kale oo aan si ballaaran loogu wada heshiin, in aanay heli doonin taageerada saaxiibada beesha caalamka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Beesha caalamka.
Ugu dambeyntii, Saaxiibada caalamka ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda Soomaaliya inay ka amba-qaadaan dhinacyada wanaagsan ee doodda Samareeb, ayna sii wadaan wada-shaqeynta, si loogu heshiiyo hirgelinta doorashooyinka iyadoo la ilaalinayo danta qaranka.