WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo

By Xuseen Post

February 17, 2021

War-saxaafadeed Wadajir ah oo kasoo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay shirkii guddiga farsamada Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku yeesheen Baydhabo iyo go’aanadii kasoo baxay.

”Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka waxay soo dhoweynayaan ku-dhawaaqistii 16kii Febraayo ee ahayd in Guddiga Farsamada ee matalaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay soo asteeyeen xalka farsamo ee loo helay arrimaha dib u dhigay hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember, iyo in xalkaas farsamo loo gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaran.” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Waxaa sidoo kale Beesha caalamka soo dhaweeyeen baaqii kasoo baxay guddiga farsamada ee shiray kuwaa oo Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqayay in ay shir isugu yimaadaan.

”Saaxiibadu waxay sidoo kale soo dhoweynayaan baaqii Guddiga Farsamada ay ugu baaqeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada inay kulmaan 18ka Febraayo, waxayna saaxiibadu ku boorinayaan madaxda inay sidaas sameeyaan si loo soo gabagabeeyo hawsha Guddiga, loona abaabulo doorashooyinka, taas oo ah arrin hortabin leh.” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada hoostaga in ay heshiis ka gaaraan doorashada wali khilaafka ka taagan yahay .