Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa War saxaafadeedka kasoo saaray xaaladda cakiran ee Soomaaliya, Waxaana madaxda Soomaaliya ay ugu baaqeen inay danta dalka ka hormariyaan wax walba.
Sidoo kale waxaa ay ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu baahan yahay kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Beesha Caalamka
Saaxiibada beesha caalamku waxay iyagoo aad uga walaacsan si dhow ula socdaan xaaladda taagan iyo waxyaabaha ku soo kordhay siyaasadda. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida.
Saaxiibada beesha caalamku waxayn marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah.
Kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran sida ugu dhakhsiyaha, oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, ayaa si degdeg ah loogu baahan yahay si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka, doorashadana loogu soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo heli doonta kalsoonida dadka Soomaaliyeed.