Wakiilada beesha Caalamka ayaa sheegay in ay waddaan dadaallo ay ku doonayaan in ay shirka xerada Afisyooni dib ugu soo celiyaan Madaxda dowladda Federaalka oo dhawaan sheegay in shirkaasi uu fashilmay.
War kasoo baxay beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay waddaan kulamo ay doonayaan in mar kale la sii amba qaado dadaallada ku aadan arimaha doorashooyinka iyo xalinta khilaafka ka taagan.
“Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ku eedeysay in aysan rabin doorasho dalka ka dhacda, isla markaana ay ka dambeeyeen fashilka ku yimid Shirkii socday.